Tartan lagu maamuusayay ilaalinta Xuquuqda Qoxootiga oo Qardho lagu qabtay

Haya’adda Kaalo ayaa labo kooxood oo kala matalayey Dadka Qoxootiga Ee ku dhaqan Qardho iyo koox deegaanka ka dhisan u qabatay koob loogu talagalaya is dhexgalka dhalinyarada iyo ilaalinta xuquuqda qaxootiga.

Ciyaartan oo ka dhacaday garoonka kubada cagata Ee Boobe stadium aya waxa daawashadeeda ka soo qebgalay Masuuliyiin ka socda Haya’adda Kaalo ,isduwaha wasarada dhalinyarada iyo ciyaaraha Puntland iyo Gudoomiyaha Qoxootiga Yamaniinta ah Ee ku nool Magaalada Qardho.

Labada kooxood ayaa waxay si dheeli tiran u muujiyeen fir fircooni iyo karti dheeraad, ah waxaana koox walba ay weerar iyo weerar celis ku qaadeysay shabaqa kooxda kale, inkastoo garsoorihii ciyaarta leylinaya uu ugu dambeyn seeriga ka dhawaajiyay sidaasna ay 2gool iyo waxba ay guushu ku raacday kooxdii matalaysay Qardho.

Barnaamijkaan ayaa ka mid ah mashaariic ay hay’ada kaalo ka wado degaanada Puntland iyadoo kaashanaysa i haya’adda UNHCR.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post