Cali Khaliif ”Dowladda Soomaaliya iyo Puntland faragelin bay ku Hayaan Maamulkayga”

Buuhoodle-[Puntland Post]-Madaxweynha Maamulka Khaatuma Cali Khaliif Galeyr ayaa ku eedeeyay dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Maamulka Puntland in faragelin Siyaasadeed ay ku hayaan Maamulkooda.

Waxa uu sheegay in heshiisyo dhowr ay mar wada galeen Maamulada Khaatuma iyo Soomaaliland ay ka mid ahaayeen in meel looga soo wada jeesto dowladda soomaliya  iyo Maamulka Puntland faragelinta ay ka wadaan Gobolada Sool iyo Sanaag .

Sidoo kale waxa uu Hogaamiyaha Maamulka Khaatumo uu  hadalkiisa ku daray in Magaalada Buuhoodle sidoo kale aysan u ogolaan doonin ay tagaan Siyaasiyiin ku lug leh dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Puntland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post