Howlgal Muraayadaha Madow Gawaarida Looga Fiiqayay Oo Laga Sameeyay Hargeysa

Hargeysa[Puntland Post]-Howlgalkaan oo ayaa  sameynayay Ciidamada Booliiska Maamulka Soomaaliland ee ku sugan Magaalada Hargeysa,ayaa lagu fiiqayay Muraayadaha Madoow Gadiidka.

Taliye ku xigeenka Ciidanka Booliiska Soomaaliland Cabdiraxman liibaan Fooxle, ayaa Warbaahinta u sheegay in howlgalkaan uu yahay mid aan joogsan doonin si ay uga hortagaan waxyaabo uu sheegay in lagu dhex qarin karo Gawaarida dhexdooda.

Dhanka kale taliyaha ciidamada Taraafikada Somaaliland Feysal xiis ayaa isna sheegay in ay fulanayaan amar horay uga soo baxay taliyaha ciidanka Booliiska soomaaliland,islamarkaana waxa uu uga digay in Darawalada Gaadiidka ay ku xiraan Gawaaridooda Muraayadaha Madoow.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post