Bosaso:- Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta oo Qoysas danyar ah u qaybisay Hilib

Bosaso-[Puntland Post]-Hay’adda samafalka Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa deeq hilb ah u qaybisay kun qoys oo dan-yar ah, oo isugu jira dadka Barakacayaasha ah ee ku dhaqan magaalada Boosaaso, kuwaas oo isugu jira dadka baahida gaarka ah qaba, xarumaha lagu xananeeyo ciyaalka Agoonta ah iyo Saldhigyada magaalada Boosaaso.

Haya adda Bisha Cas ee dalka Imaaraadka Carabta, ayaa qashay xoolaha qaar  si hilibkood loo qaybiyo qoysaska dan-yarta ah iyo Barakacaayasha, halka kuwa kalena ay ku wareejisay Xarumah loogu talagalay.

Deeqdaan hilibka ah ee ay qaybisay Haya’dda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta waxaa ka faa’iideystay dad aad u fara badan, kuwaasoo isugu jira dumar & Caruur, dad da’ ah iyo Maxaabiista ku xiran Saldhigyada Boosaaso.

Axmed Siciid ismaaciil [ Qolonbi] oo ah Agaasime ku xigeenka Ciidamada Badda Puntland ee PMPF oo wakiil ka ahaa deeqadan ayaa tilmaamay in deeqdan la gaarsiyey goobihii loogu talagalay waxaana uu xusay in Haya’dda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ay markasata garab taagan tahaya dadka dhibateysan .

Qaar ka mid ah qoysaskii ka faa’iideystan hilibka Udxiyadda ayaa uga mahad-celiyay Haya’dda Bisha Casa ee Imaaraadka Carabta  deeqada ay soo gaarsiiyen, iyagoo xusay in ay kusoo beegantay Xilli ay si aad ah ugu baahnaayeen.

Hay’adaha  Hay’adda Bisha Cas ee Imaaraadka Carabta ayaa ah Haya,ddaha inta badan ka shaqeeya Arimaha Samafalka.

Cabdiqani Boos

Puntland Post  Bosaso