Munaasabada Ciidul-Adxa oo si weyn Looga Oogay Boosaso

Boqolaal shacabka ku dhaqan magaalada Boosaso ayaa maanta Salaada Ciida ku Oogay Garoonka kubada Cagata Ee Magaalada Bosaso oo ay culimadu ka soo jeediyeen Khubado Diini oo la xiriira qiimaha maanta oo kale u leedahay muslimiinta dunida.

Salaada Ciida kaddib ayaa jidadka iyo xaafaddaha magaalada lagu arkayay Dhalinyarro, Waayeel iyo Carruur mush-mushaaxaya, islamarkaana isku marxabeynaya munaasabada Ciidul-Adxa.

Ciida Carafo ayaa uga uga duwan ciida kale ee Muslimiinta dadka oo isku martiqaadaan naafka  Udxiyada oo qoysaska inta awooda u leh maanta oo kale gowracaan.

Carruurta ayeey sidoo kale farxad gaar ah u leedahay maanta oo kale iyaga oo ka nasanaya dugsiyada waxbarashada si ay uga qeybqaataan farxada maalinta Ciida.

Amaanka Magaalada ayaa ad loo adkeyey waxan inta badan xiraan wadooyinka Magaalada Boosaso ka hor tukashada Salaada Ciida.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post Boosaso