Maxkamadda Ugu Sareysa  Kenya Oo Baabi’isay Doorashadii Uu Ku Guuleestay Uhuru Kenyatta 

Kenaya-[Puntland Post]Maxkamadda ugu saraysa dalka Kenaya ayaa go’aamisay in lagu celiyo doorashadii dhawaan lagu soo gabogabeeyay Kenya ee guddiga doorashadu ay ku sheegeen in uu ku guulaystay madaxweynaha hadda talada haya ee Uhuru Kenyatta.

Maxkamadda ugu saraysa dalka ayaa sheegtay in guddiga doorashada ee Kenya uusan si hufan u qabanin hannaankii doorashada dalkasi Sidaas dareedeedna guddiga doorashadu waxay waxba kama jiraan ku tilmaantay natiijadii ay dhawaan ku dhawaaqeen guddiga doorashada.

Maxkamaddu waxaa kale oo ay amartay in lixdan maalmood gudahood lagu qabto doorashada.
Taariikhda Kenya waa markii koobaad ee doorasho madaxweyne ay maxkamadi dib u celiso.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post