Puntland :-Socdaalkii dimuqraadiyeynta iyo baahinta nidaamka asxaabta badan.

Wasaarada Dastuurka Arimaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland ayaa kulamo bulshada loogu xog waramayo nidaamka xisbiyadda badan ku qabatay degmooyinka Dongoroyo, Waaciya iyo Carmo  oo ka kala tirsan Gobolladda Karkaar, Bari iyo Nugaal.

Wafti uu hogaaminayo Wasiirka Dastuurka Puntland, Agaasimaha guud ee Wasaaradda, Agaasimaha Waaxda Dimuqraadiyeynta,Guddiga Doorashooyinka iyo Masuuliyiin kale ayaa ka qeybgalay kulankii 1aad oo lagu qabtay Degmada Dongoroyo ee Gobolka Nugaal, waxayna Dadweynaha uga xog warameen hananka xisbiyadda badan oo qorshuhu yahay inay ku talaabsato Puntland, Sidoo kalena waxay uga qeybgaleen Degmooyinka Waaciya iyo Carmo kulamo lagu daahfurayo.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Dastuurka Puntland Cabdirashiid Maxamuud Siciid ayaa sheegay inay wadayaan kulamadan si bulshada loogu baraarujiypo Nidaamka Asxaabta badan, wuxuuna tilmaamay in haatan la gaaray waqtigii laga guuri lahaa habka Puntland looga soo dhaqmayay muddo gaareysa 19 sano.

Cabdirizaaq Xuseen Gacayte oo xubin ka ah guddiga Doorashooyinka Puntland   ayaa dadweynihii lala kulmay u sheegay in guddigoodu sameeyay xeerarkii iyo shuruucdii lagu dhaqi lahaa Ururada Siyaasada,loona baahan yahay bulshadu doorkeeda inay muujiso.

Dhinaca kale Wasiirka Dastuurka Arrimaha Faderaalka iyo Dimuqraadiyaynta Puntland Cabdifitaax Caynab ayaa sheegay in Dawladda Puntland ay ka go’an tahay hirgalinta nidaamkan, wuxuuna ugu baaqay shacabka inay qaataan doorkooda, islamarkaana gacan ku siiyaan taabagalinta qorshayaasha Wasaaradu ka qaatay sidii guud ahaan loo gaarsiin lahaa deegaanada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST