Golaha ammaanka Qaramada Midoobay oo u digay Kuuriyada waqooyi

Warka kasoo baxay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa si cad loogu sheegay in falalka Pyongyang ay yihiin kuwo khatar ah, isla markaana carqaladeynaya xasiloonida gobolka iyo weliba tan caalamka oo dhan.

Mareykanka ayaa soo dhaweeyay jawaabta midaysan ee kasoo baxday Golaha Ammaanka, haseyeeshee xubnuhu waxay ku kala argti duwan yahay tallaabada xigta ee laga qaadayo Kuuriyada Waqooyi.

Mareykanka ayaa doonaya in cunaqabateyn dheeraad ah ay Qaramada Midoobay saarto dalkaasi, gaar ahaan shidaalka uu dalkaasi soo dhoofsado iyo in la adkeeyo qaabka difaaca gantaaladda ee gobolkaasi.

Ruushka iyo Shiinaha ayaa dhaliilay cunaqabateynta uu Maraykanka dhawaan kusoo rogay Kuuriyada Waqooyi, waxaana ay tilmaameen in dhaqdhaqaaqa milateri ee uu dalkaasi ka wado gobolka ay qeyb ka tahay xiisadda taagan. Labadan dal ayaa ku baaqay in khilaafkan wadahadal lagu dhameeyo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post