Somaliland oo Go’aan ka gaartay siyaasiyiinteeda xilalka ka qabta Soomaaliya

Hargeysa-[Puntland Post]-Wasaaradda Arrimaha gudaha Maamulka Somaliland ayaa sheegtay in siyasiyiinta ka soo jeeda Somaliland ee taga Muqdisho dowladda Soomaliyana xilal ka qabta hadii ay cafis dalbadaan loo ogolaado in la cafiyo.

Wasiiru dawlaha Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye, oo Warbaahinta kula hadlayay Caasimada Maamulkaas ee Hargeysa ayaa beeniyay warar sheegayay in Hargeysa ay tageen siyaasiyiin Soomaaliyeed,waxa uuna sheegay in hadii ay tagaan in dib loogu soo celin doono.

“in la s oo qabto mooyaane ninkii halkaa ka yimaada ee reer Soomaaliya inaan dib u celino mooyaane,majirto kuwo Hargeysa yimid, iskadaaye Soomaaliya kuwa reer Somaliland ee muqdisho taga ayaaba dambiile ah, marka Turkiga waan ku kulmi jirnay balse majirto siyaasi Soomaaliyeed oo Hargeysa yimid ayuu yiri Wasiiru dowlaha”

Hadalka ka soo baxay Maamulka Somaliland ayaa ku soo beegmaya xili xilal kala duwan ay ka hayaan dawlada Fadarlka ah Ee Soomaliya masuuliyiin ka soo Jeeda Maamulka Gobalada woqooyi ee Somaliland.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post