Somaliland iyo Khaatumo oo digniin u diray Puntland iyo Dowlada Somalia

Maanta oo ay taariikhdu tahay 27 Augsto 2017 Somaliland iyo Khaatumo ayaa warbaahinta ka akhriyay heshiis ka kooban 10 qodob oo ay sheegeen in labada dhinac ku wada gaareen shir uga socday muddo ku dhaw sanad magaalo madaxda maamulka Somaliland ee Hargeysa.

Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland Dr. Sacad Cali Shire iyo Kayse Cabdi Yusuuf oo Wasiirka Amniga ka ahaa maamulkii uu hogaamin jiray Prof Cali Khaliif Galayr oo aakhirkii gorgorton siyaasadeed uga bedeshay Somaliland mab,da,oodii horre ayaa maanta si wada jir ah saxaafadda uga warbixiyay heshiiskaan.

Dr. Sacad Cali Shire Wasiirka Arrimaha Dibadda Somaliland  oo akhrinaya qodobada ay soo wada gaareen Somaliland iyo Khaatumo wuxuu uga digay Puntland iyo Dowlada Federalka Somalia faragalin ay ka wadaan deegaano ka tirsan Sool iyo Sanaag gaar ahaan magaalada Buuhoodle.

Warka kasoo baxay Somaliland iyo Khaatumo ayaa lagu wargaliyay beesha caalamka inay ogaato inay masuul ka yihiin Puntland iyo Dowlada Federalka Somalia wixii ka dhaca magaalada Buuhoodle, waxayna si gaar ah labada dhinac carabka ugu qabteen Puntland oo ay ku eedeeyeen inay khalkhal galinayso geedi socodka dimuqraadiyadda  deegaanada Somaliland.

Dhinaca kale Kayse Cabdi Yuusuf oo ka mid ah xubnaha Khaatumo ee hogaaminayo Prof Cali Khaliif Galayr  ayaa sheegay in shirarka u dhaxeya iyaga iyo Somaliland muddo sanad ah ka socdeen magaalada Hargeysa, wuxuuna ugu baaqay ciddii aan ahayn Somaliland iyo Khaatumo balse ka mid ah Beelweynta Dhulbahante inuu u furan yahay Albaabka wada hadalka ay kula midoobayaan maamulka Somaliland.

“Waa shirkii la doonayay in lagu soo afjaro wax kasta oo khilaaf ah oo ka jiray Somaliland insha allah tacaalaa shirkaan wuxuu noqon doonaa Israac dhab ah,War nuxurkuna ma ahan Khaatumo gaar ah oo calan leh halkaan laguma hayo balse waa sidee Dowlad Somaliland ah loo wada dhan yahay ku samaysanaa weeye” Ayuu yiri Kayse.

Ma ahan markii ugu horeysay oo ay Somaliland gorgortan siyaasadeed la gasho Hogaamiyaasha maamulo gacan ku samaysa oo lagaga dhawaaqay Deegaano ku yaala Sool iyo Buuhoodle,Waxaana ka horeeyay wada hadalka Somaliland iminka kula jirto Khaatumo koox hore oo la magac baxday SSC uuna hogaamin jiray Wasiirka Caafimaadka Somaliland Saleebaan Xagla-toosiye.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST