Shaqaalaha Dowlada Puntland oo la faray inay u tartamaan fursad waxbarasho oo dibada ah

War qoraal ah oo kasoo baxay Xafiiska Tacliinta sarre ee Wasaaradda Waxbarashada Dowlada Puntland ayaa lagu wargaliyay shaqaalaha muwaadiniinta ee danaynaya deeqo waxbarashada heerka 1aad ee Jaamacadda iyo Heerka 2aad ee Masterka inay ka faa,iideystaan sidey ugu tartami lahaayeen fursado waxbarasho oo dibadda ah.

Nuqul ka mid ah qoraalka Wasaaradda oo soo gaarey Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa lagu sheegay in loogu talagalay deeqdaan in lagu kobciyo kartida, tayada iyo xirfada shaqaalaha Dowlada Puntland

Qoraalkan ayaa lagu sheegay in Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sarre ee Puntland uga duulayso codsiyadda deeqdaan qaabka hufnaanta qeybinta deeqaha Waxbarasho, waxaana lagu wargaliyay ugu dambeyn 02 bisha Setemper 2017 inay kusoo gudbiyaan araajidooda muwaadiniinta danaynaya fursadan.

Akhriso qoraalka Wasaaradda Waxbarashada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST