Baarlamaanka Galmudug oo ansixiyey Miisaaniyadda 2017-ka

Cadaado-[Puntland Post] Baarlamaanka Dowlad-Goboleedka Galmudug ayaa maanta ansixiyey Miisaaniyadda Galmudug ee sanadka 2017-ka, kadib markii wasaaradda Maaliyadda Galmudug ay hor geysay Baarlamaanka.

Kulanka Golaha Baarlamaanka ee Galmudug oo ay goob joog ahaayeen ilaa iyo 50-mudane ayaa 46-xildhibaan oo kamid ah baarlamaanka waxa ay qaab gacan taag ah ku ansixiyeen Miisaaniyadda, waxaana diiday sadex mudane halka mid kamid ah xildhibaanada Galmudug uu ka aamusay.

Gudoomiyaha Baarlamaanka galmudug Cali Gacal Casir ayaa sheegay in sidaasi Miisaaniyaddu ay ansax ku noqotay maadaama 46-mudane ay ansixiyeen.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post