Dowlada Jarmalka oo ka taageereyso Puntland daryeelka hooyadda iyo dhalaanka

Wasaarada Cafimaadka Puntland iyo dowlada Jarmalka ayaa wada qorshe ku saabsan Cafimaadka Puntland, waxaana maanta ay isugu yimaadeen masuuliyiinta Wasaaradda Caafimaadka Puntland shir looga arrinsanayo qorshahaan.

Wasiirka Caafimaadka Puntland Dr Cabdinaasir Cuuke ayaa sheegay in dhawaan la daahfurayo mashruuc ku saabsan hooyadda iyo dhalaanka oo ay Dowladda Jarmalku dhaqaalihiisa bixinayso,nwuxuuna sheegay inuu mashruucan wax badan uu ka tari doono caruurta iyo hooyooyinka.

Dhinaca kale Wasiir Cuuke ayaa maanta daahfuray tababar ku saabsan daaweynta iyo baarista duumada oo loo qabtay kalkaaliyaal ka yimid Gobolladda Puntland.

Daawo Sawiro.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST