PUNTLAND oo ku guulaysatay in biyo laga helo ceel muddo la qodayay.

Tuulada Kalabeyr oo ka tirsan Gobolka Nugaal ayaa lagu qabtay munaasabad lagu daahfuray ceel riig ah oo halkaas muddo ka badan 2 sano laga qodayay islamarkaana lagu guulaystay Aakhirkii in laga helo biyo, waxaana ka qeybgalay munaasabadii lagu daahfuray Gudoomiyaha Wakaalada Biyaha Puntland (PSAWEN), Gudoomiyaha Gobolka Nugaal, Saraakiil ka socota Hay,adda Islamic Relief iyo Dadweynaha tuulada Kalabeyr.

Gudoomiyaha Hay,adda PSAWEN Maxamed Salaad ayaa ku tilmaamay guusha laga gaarey ceelkan inay ahayd mid ku timid Sabur iyo Dulqaad madaama qodista ceelku marxalado badan soo martey, wuxuuna sheegay in la qoday ceelkaan 420 Mitir oo dherer hoose ah.

Dadweynaha Tuulada Kalabeyr ee Gobolka Nugaal ayuu kula dardaarmay Gudoomiye Maxamed Salaad inay xil gaar ah iska saaraan ilaalintiisa iyo xafidaada hantida ceelka oo uu sheegay inuu ka dhaxeeyo dhamaan mujtamaca ku nool deegaanka, wuxuuna ugu baaqay inay si cadaalad ah uga wada faa,iideystaan isticmaalka iyo cabida biyaha ceelka.

Dhinaca kale Gudoomiyaha Gobolka Nugaal Cumar Faraweyne oo ka hadlay munaasabadii lagu daahfuray ceelka tuulada Kalabeyr ayaa sheegay inuu ceelkani ka mid yahay hantida Dowlada ee ka dhaxaysa dadweynaha, Isagoona ka digay inay cid si gaar ah u sheegato.

Daawo .

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST