Maxkamadda sare ee India oo difaacday xuquuqda asturnaanta xogta

Maxkamadda sare ee India ayaa xukmisay in muwaadiniintu yeeshaan xuquuq aasaasi ah oo la xiriirta asturnaanta xogtooda iyo shaqsiyadooda, xukunkaasoo ah mid taariikhi ah.

Xaakimiintu waxay xukmiyeen in xaqa asturnaanta xogta iyo shaqsiyadda uu “qayb muhiim ah ka yahay qodobka 21aad oo ilaalinaya nolosha iyo xornimada”.

Xukunka ayaa saamayn ku yeelanaya barnaamijka xukuumadda ay dadka ku diiwaangaliso hanaanka kombiyuutarka, kaasoo daboolaya in qofku helo faa’iidooyin, xisaabaad bankiyo iyo bixinta canshuuraha.

Kooxaha xuquuqda aadanaha u dooda waxay walaac ka qabaan in xogta shaqsiga ah ay dhici karto in si khaldan loo isticmaalo. Maamulayaashu waxay doonayaan in diiwaangalintu ay ahaato mid khasab ah.

Xukunka ayaa meesha ka saaray laba xukun oo ka horreeyay oo maxkamad ay gaartay, kuwaasoo sheegaya in asturnaanta xogta iyo shaqsiyadda aysan ahayn xuquuq aasaasi ah.

Xeerbeegtida oo ka kooban 9 xaakim oo ah dhamaanba qaaddiyada maxkamadda sare ayey lagama maarmaan noqotay inay u fariistaan, waayo mid ka mid ah xukunnadii hore u dhacay ayaa waxaa gaaray xeerbeegti ka koobnayd 8 xaakim, 1954kii.

Xigasho BBC SOMAALI