Ku xigeenka Xoghayaha QM oo Muqdisho kula kulmay Gudoonka labada Aqal

Muqdisho-[Puntland Post] Ku xigeenka Xoghayaha guud ee QM, ahna madaxa siyaasadda Jeffrey Feltman ayaa maanta magaalada Muqdisho ku tagay safar halkaasi uu kula kulmay madaxda dowladda iyo baarlamaanka Soomaaliya.

Guddoomiyaha Golaha Shacabka Jamhuuriyadda Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan (Jawaari) ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Madaxa qeybta siyaasadda ee Qaramada Midoobay Jeffery Feltman oo Muqdisho yimid isaga iyo wafdi la socday.

Labada dhinac ayaa ka wada hadlay arrimaha siyaasada, horumaradii la sameeyay iyo waxyaabaha horyaala sida dib u eegista dastuurka iyo sidii dalka uga dhici laheyd doorasho qof iyo cod.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post