17 qof oo ku dhintay deegaanka Timirshe ee Gobolka Bari

Dad gaaraya 17 qof ayaa dhintay halka tiro ku dhaw 150 qof  xanuunka shuban biyoodka u liitaan ka dib markay biyo ka cabeen ceel looga shakisan yahay inuu sumaysan yahay oo ku yaala deegaanka Timirshe ee Gobolka Bari sida uu u xaqiijiyay Warbaahinta PUNTLAND POST Cabdulaahi Shire Yuusuf oo ah Gudoomiyaha Timirshe.

Xarumaha caafimaadka degmooyinka Carmo iyo Isku shuban ayaa lasoo gaarsiinayaa bukaano fara-badan oo laga keenayo baadiyaha u dhaw magaalada Timirshe ee Gobolka Bari, wuxuuna sheegay Cabdulaahi Shire labadii todobaad ee lasoo dhaafay dhimashadu inay gaartay inta la hubo ilaa 17 isugu jira dad waaweyn iyo caruur ,waxaana sii kordhaya tirada bukaanada.

Cabdulaahi Shire ayaa u sheegay PUNTLAND POST in dadka dhintay iyo kuwa bukaanka ah ka siman yihiin xanuunkaan wuxuuna sheegay inay ahaayeen kuwo uu saameeyay dhamaantood biyo ay ka cabeen ceel ku yaala deegaanka Timirshe ee Gobolka Bari.

Gudoomiyaha Tuulada Timirshe Cabdulaahi Shire Yuusuf  wuxuu ugu baaqay Dowlada Puntland,Dowlada Federalka Somalia iyo Beesha Caalamka  inay usoo gurmadaan xaalad cakiran oo uu sheegay inay ka jirto deegaankaas oo ay dad badan ku le,edeen labadii todobaad u dambeeyay

Daawo Wareysiga PUNTLAND POST

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST