Golaha Aqalka sare oo ansixiyay xeerka Isgaarsiinta Dalka

Muqdisho-[Puntland Post] Golaha aqalka sare ee Soomaaliya ayaa meel mariyay xeerka Isgaarsiinta dalka oo dhawaan ay soo meel mariyeen Xildhibaanada Golaha shacabka Soomaliya.

Fadgiga ay maanta yeeshen aqalka sare waxa soo xaadiray 40 Xildhibaan oo ka mid ah Golaha waxaana codka siiyay 39 ka mid ah iyada oo uu sidaas ansax ku noqday xeerka Isgaarsiinta dalka.

Xildhibaannada Golaha aqalka sare ayaa markii la horgeeyay waxaa ay ku sameeyeen aqris,waxaana Guddoomiyaha aqalka sare Cabdi Xaashi Cabdullahi uu sheegay in aqalka sare uusan fasax iyo Xaj midna geleyn ilaa laga ansixiyo xeerkan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa aad u daneynayay xeerkan,waxaana Markii ay Golaha shacabka meel mariyeen uu ka codsaday aqalka sare in sida ugu dhaqsiyaha badan ay u meel mariyaan si uu isagana u saxiixo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post