Daawo:- Bulshada Gardafuu oo baaq ku aadan Hormarka Gobalka u diray Puntland

Bosaso-[Puntland Post] Bulshada ku dhaqan gobolka Gardafuu ayaa bilihii ugu danbeeyay dadaal ugu jiray horumarka deegaanadaas iyagoo wax ka qabanaya adeegyada Aasaasiga u ah dadka waxaana ay diirada saareen qaybaha caafimaadka, waxbarashada iyo wadooyinka .

Talaabadan ayaa ah bilowgii horumarka gobolka Gardafuu ka dib markii shacabka ay iskood isugu abaabuleen dayactirka Isbitaalka guud ee magaalada Caluula iyo waliba dayactirka wadooyinka halbawlaha u ah gobolka qaarkood.

Hadaba shacabka gobolka Gardafuu ayaa sameeyay isku tashigii ugu wanaagsanaa ee gobolkaas ku jihaysan waxaana baaq ku aadan in dhankooda dawlada Puntland ay u soo jeestaan gobolka u diraya shacabka isku tashiga sameeyay iyagoo ku baaqaya in dawladu ay dib u milicsato balanqaadkeedii ahaa in ay ka dagi doonto wadada laamiga iyo in sanadka iyo badhka u harsan xukuumada ay awoood horumarineed u fidiso gobolka Gardafuu .

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaje Yaasiin oo ka mid ah Ismida ka soo jeeda gobalka Gardafuu waxa uu Dawlada ugu baaqay in ay Il gaar ah ku Eegto Hormar la aanta ka jirata Gobalkaasi.

Cumar Cismaan Siciid Gudoomiyaha Qoxootiga dalka Yaman waxa uu sheegay Bulshada Reer Gardafuu in ay u soo Jeesteen Hormarka Dawladana looga baahan yahay in ay Doorkeeda ay ka qaadato.

Hoos ka Daawo Fariinta ay dirayaan Bulshada Gardafuu

Cabdiqani Boos 

Puntland Post Bosaso