Camey: “Doorashada Somaliland kama dhaceyso Sool iyo Sanaag”

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Puntland C/Xakiin Cumar Camey ayaa sheegay in doorashada Somaliland aysna ka dhici karin Gobollada Sool iyo Sanaag oo ay labada Maamul ku muransanyihiin.

C/xakiin Cumara Camey waxaa uu sheegay in isku dayo dhowr ah oo ay Somaliland ku dooneysay in ay doorashada kaga hirgeliso Sool iyo Sanaag ay fashilmeen, sidoo kalena xubno howshaas u qaabilsanaa Somaliland dil iyo dhaawac loogu geystay Laascaanood.

Waxaa uu intaas raaciyay in Puntland aysan daandaansi billaabeyn laakiin haddii lagu gardarroodo aysan gacmaha ka laabanayen.

Sanadkan Gudihiisa ayaa waxa lagu wadaa in ay doorashada Madaxtinimada Somaliland ka dhacdo degaannada uu maamulkaas ka arrimiyo waxaana labada Maamul ay sheeganayaan maamulka gobollada Sool iyo Sanaag oo ay dhowr jeer oo hore ku dirireen.

 

Cabdiqani Boos 

Puntland Post