Booliiska Philipine oo wada howlgal ka dhan ah daroogada

Manila[Puntland Post] Booliiska caasimmada Manila ee waddanka Philipine, ayaa wadda habeenkii saddexaad howlgalo ka dhan ah kooxaha ka ganacsada daroogada oo soconaya toddobaad .

Howlgaladan ayaa booliiska Philipine waxa ay ku ugaarasanayaan dadka ka ganacsada daroogada, waxaana la soo sheegayaa in dhowr qof ay booliisku ku dileen.

Maalintii khamiista, booliiska Philipine ayaa sheegay in ay dileen 26 qof oo lagu tuhunsanaa ka ganacsiga daroogada, kadib markii 32 qof oo kale horey loogu dilay weeraro ay booliisku ku qaadeen Isniintii meel ku dhaw Bulacana.

Kumanaan qof ayaa la dilay tan iyo markii madaxweyne Philipine Rodrigo Duterte uu xafiiska la wareegay sanad ka hor, xiligaasi oo uu wacad ku maray inuu ka baabi’in doono waddankiisa falal dambiyeedyada la xiriira daroogada lix bilood gudahooda.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post