Shirkadda Biyaha NUWACO oo $ 20,000 oo dollar ugu deeqday Airport-ka Garowe

Shirkada biyaha ee NUWACO, ayaa guddiga dhaqaale aruurinta dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe ku wareejisay lacag dhan  $20,000, lacagtaas oo ah qoondada shirkadau uga qeyb qaadanayso dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe.

lacagtaan oo ay shirkadu uga qeyb qaadanayo nalal galinta garoonka, ayaa lagu wareejiyay xaflad kooban oo ka dhacday xarunta shirkada ee magaalada Garowe, waxaana goob joog ahaa maamulka dowladda hoose ee Garowe, masuuliyiinta shirkada NUWACO iyo guddiga dhismaha garoonka.

Cismaan Guureeye Kaarshe oo katirsan guddiga sare ee NUWACO ayaa sheegay inay ku faraxsan yihiin inay bixiyaan qoondadii shirkadooda lagusoo qoray ee looga qeyb qaadanayo iftiiminta garoonka diyaaradaha Garowe oo dhismihiisu meel gabo gabo ah marayo.

Cismaan Guureeye ayaa sheegay ka qeyb qaadashada dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe inay tahay arrin horseedaysa in la gaaro horumar iyo in dadku wax badan si wadajir ah u qabsadaan.

Guddoomiyaha guddiga dhaqaale aruurinta garoonka Garowe, Cabdifitaax Kismaayo ayaa soo dhoweeyay dhaqaalahaan ay shirkada NUWACO uga deeqday Nalaynta garoonka, isagoo ku ammaanay inay kasoo baxeen balanqaadkoodii laga sugayay.

Cabdifitaax Kismaayo ayaa sheegay dhismaha garoonka diyaaradaha Garowe inuu meel fiican marayo, islamarkaana bisha 11-aad si rasmi ah xariga looga jaridoona, laakiin wuxuu dhaliilay inaaan weli sidii loo baahnaa loogasoo jawaabin qaaraanka garoonka, wuxuuna shirkadaha iyo shakhsiyaadka qoondada lagusoo qoray ugu baaqay inay bixiyaan lacagta qaaraanka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.