Shirkada Qalabka Korntada Kaah oo Xafiis Cusub ka Furtay Boosaso

Munasabad lagu Daah -furayo Xarunta cusub Ee shirkada Korntada  Kaah ayaa ka dhacday Magaalada Boosaso Ee Xarunta Gobalka Bari,.

Daah-furka shirkadan ayaa waxa ka qabgalay Maamulka Gobalka Bari, Ganacsato ,Maamulka shirkada Korntada Kaah iyo Bulshada qeybeheeda kala duwan.

Gudomiyaha Shirkada Qalabka Korantada Ee Kaah Faarax Warsame Cade o ugu horan ka hadalay kulank ayaa sheegay in shirkadu ay ka shaqayso meelo kala duwan oo ka tirasan Puntland islamarkana keena Qalabka Korontada Oo Tayadoda La Soo Hubiyay.

Agaasimaha Rugta Ganacsiga Iyo Warshadaha Puntland Cabdirisaaq Xassan Bootan Ayaa Soo Dhaweyay Shirkadana waxana uu tilmaamay in wax badan ay ka badali doonto baahidii loo qabay qalab koronto oo Tayo leh.

Gudoomiyaha Gobalka Bari Yuusuf Maxamed Waceys [Dhado] Ayaa Shirkada Kaah Kula Dar Darmay Inay Kenaan Qalab Tayo Leh Bulshadana ay uga faa,ideeyan.

Inta badan Ganacsatadii ka qab gashay kulanka ayaa si wen u soo dhaweyey shirkada Kaah oo ka shaqan doonta iibinta qalabka Korontada waxayna ku tilmameen in bahi loo qabay.

Shirkada Qalabka Korntda Ee Kaah ayaa waxa ay hore uga soo shaqeysay   Magalooyin ka tirsan Puntland Kale Waxayna Shaqaynaysaa Mudo Ku Dhow 14 Sano.Shirkada Kaah Ayaa hor uga Hawl gali Jirtay Magalooyinka Muqdisho Hargaysa Galkacayo.