Garowe:-Hay,adda World Vision oo deeq raashin ah gaarsiisay qoysaska naafadda.

Hay,adda World Vision ayaa maanta deeq raashin ah u qeybisay 103 qoys oo ku nool Kaamka Alla wakiil oo ay ku noolyihiin dadka naafadda, waxaana ka qeyb qaatay qeybinta deeqdaan ka timid World Vision Waaxda Arrimaha Bulshada Dowlada hoose ee Garowe iyo Saraakiil ka socota Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Dowlada Puntland.

Cali Salaad Xasan oo ka tirsan Hay,adda World Vision ayaa sheegay inuu barnaamijkaan qeyb ka yahay taageerida dadka ay saamaysay abaartu, wuxuuna sheegay in horey loo siiyay agabka loogu talagay inay  dadka naafadda ee ku nool kaama Allaa Wakiil ku socdaan sida gadiidka curyaanada ah.

Wuxuu sheegay Cali Salaad Xasan inuu rajaynayo sii socoshada barnaamijyadaan loogu faa,iideynayo dadka masaakiinta ah Islamarkaana ay mar kasta heegan u tahay hay,adda World Vision caawinta dadka tabaalaysan.

Daawo Sawiradda.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.