Wasiirka cusub Wasaaradda Maaliyadda Puntland oo xilka la wareegay maanta

Wasiirka cusub ee Wasaaradda Maaliyada Dowladda Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe dhaqaaje ayaa maanta xilka kala wareegay Wasiirkii hore ee Wasaarada ahna Wasiirka Xanaanada Xoolaha Cabdulaahi Shiikh Axmed .

Munaasabad xil wareejinta oo ka dhacday xarunta cusub ee wasaaradda maaliyada magaalada Garowe waxaa kasoo qeybgalay masuuliyiinta xilalka la kala wareegay , Shaqaalaha Wasaaradda, Qaar ka mid ah Wasiirada Puntland iyo Qeybo ka socday bulshada rayidka.

Cabdulaahi Shiikh Axmed Wasiirkii hore ee Maaliyada ayaa ugu horayn kusoo dhaweeyey wasiirka cusub wasaradda wuxuuna ka codsaday shaqaalaha ka howlgala wasaaradda inay ula shaqeeyaan wasiirka cusub sidii ay isaga ula shaqayn jireen, wuxuuna sheegay in wasaaradda maaliyadu ay ka howlgasho dhamaan 9-ka gobol ee Puntland,isagoo tilmaamay inay howlo badan ka qabatay Puntland.

Wasiirka cusub Wasaaradda Maaliyada Puntland Cabdulaahi Siciid Carshe Dhaqaaje ayaa uga mahadceliyey masuuliyiinta iyo shaqaalaha wasaaradda sida wanaagsan ee ay ugu soo dhaween wasaaradda,isagoo ka codsaday inay la shaqeeyaan isaguna uu xilkiisa sida ugu wanaagsan ugu gudan doono.

Abshir Dhiirane
PUNTLAND POST