Madaxweynaha Jubbaland oo Kismaayo kusoo dhaweeyay Senator Cabdiraxmaan Faroole

Madaxweynaha Jubbaland Axmed Maxamed Islaam iyo dadweyne farabadan ayaa maanta garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Kismaayo kusoo dhaweeyay Madaxweynahii hore ee Puntland Senator Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole.

Mudane Axmed Maxamed Islaam Madaxweynaha Jubbaland ayaa soo dhaweynta kadib sheegay in uu ku faraxsan yahay booqashada  Mudane Cabdiraxmaan Sheekh Maxamed Faroole uu ku yimid Magaalada Kismaayo oo uu xusay in ay tahay mid rasmi ah isla markana uu inta uu joogo wakhti la qaadan doono bulshada Magaalada oo uu sheegay in mudo ay ugu danbaysay.

Madaxweyne Axmed Islaam wuxuu sheegay in Senatorku uu kamid ahaa dadkii qaybta muhiimka ah ka qaatay dhismaha Jubbaland isla markana Dowlada iyo Shacabkuba ay abaal uga hayaan ugana mahad celinayaan sidii uu garabka walalnimo ugu muujiyay wakhti ay u baahnayeen.


PUNTLAND POST