17 qof oo ku dhimatay weerar ka dhacay Burkina Faso

Ugu yaraan 17 Qof ayaa ku dhimatay halka 8 kalena ay ku dhaawacmeen kaddib markii Rag hubeysan ay weerar ku qaadeen maqaayad ay leeyihiin Ganacsato Turki ah oo ku taalla Xarunta Dalka Burkina Faso ee Ouagadougou.

3-4 Rag  ah oo Mooto ku tagay Maqaayadda ayaa rasaas ku billaabay weerarka waxaana ay mid mid u toogteen dadkii fadhiyay Banaanka Maqaayadda Azizi Istanbul ee Magaalada Ouagadougou.

Wasiirka Isgaarsiinta Dalka Burkina Faso Remi Dandjinou,ayaa xaqiijiyay geerida dadkaas iyada oo ilaa hadda aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas.

Dadka 17 qof ah ee ku dhintay Weerarkan waxaa ay u kala dhasheen Waddamo kala duwan waxaana dadka dhintay ka mid ah qof u dhashay Dalka Turkiga.

Burkina Faso waxay qayb ka tahay gobolka Saaxil, oo ay dalka Mali uu ka tirsan yahay halkaas oo kooxaha Islaamiyiintu ay ka howl-galayeen tan iyo sanadkii 2012.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post