PUNSAA oo warmurtiyeed kasoo saartey xaalada dhaqaale ee ka jirta Puntland

Guddiga Agaasinka iyo guddiga guud ee dalladda ururada aan dowliga ahayn (PUNSAA) ayaa shir aan caadi ahayn oo ay maanta ku yeesheen magaalada Garowe waxay kazoo saareen war murtiyeed ku saabsan xaalada cakiran ee sicir bararka iyo diidmada lacagta shilinka Somaliga oo todobaadyadii u dambeeyay saameyn ku yeeshay dhaqaalaha deegaanada Puntland.

Gudoomiyaha Dalladda PUNSAA Faysal Maxamed Warsame oo warbaahinta u akhriyay warmurtiyeedka ayaa sheegay in dalladdu ay aad uga walaacsan tahay xaalada dhaqaale ee deegaanada Puntland oo uu sheegay inay kasii dareyso maalinba maalinta ka dambeysa.

Wuxuu sheegay in dallada PUNSAA ay maalmihii u dambeeyay cabashooyin badan ka helaysay qeybaha bulshada sida Ganacsatada, Shacabka danyarta iyo Haweenka kuwaas oo uu sheegay inay si isku mid ah saameyn baaxad leh ugu yeelatay xaalada sicir bararka iyo tan dhaqaale ee ka jirta Puntland.

Gudoomiyaha Dalladda PUNSAA Faysal Qaran oo akhrinaya warmurtiyeedka shirkoodii maanta ayaa ugu baaqay Dowlada inay si deg deg ah wax uga qabato lacagaha been abuurka ah iyo arrimaha kicinaya sicirka oo ka imaanaya deegaanada ka baxsan Puntland

Daawo Warmurtiyeedka Dalladda PUNSAA

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST