Agaasimaha maamulka waxbarashada oo fariin u direy masuuliyiinta iskuulada Puntland

Agaasimaha Waaxda Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada Puntland Faarax Mixile Jaamac ayaa khudbad uu ka jeediyay shir ay isugu yimaadeen Gudoomiyeyaasha Waxbarshada Gobolada,Degmooyinka iyo Maamulayashooda Dugsiyada wuxuu kula dardaarmay inay u istaagaan sidii ay uga qeyb qaadan lahaayeen doorkooda ku aadan dhismaha wadada Ceeldaahir.

Agaasimaha Maamulka iyo Maaliyadda Wasaaradda Waxbarashada iyo Taclinta sare ayaa sheegay in wadada Ceel daahir  muhiim u tahay samayenteeda bulshada reer Puntland ayna tahay in laga wada qeyb qaato Qaranka Kharajka samaynta dhismaha wadada Ceeldaahir –Ceergaabo.

Wuxuu sheegay Faarax Mixile in dhismaha wadadani uu difaac u yahay dalka iyo deegaanka sida xiriirka, Ganacsiga, Isdhexgalka bulshada, Sahlida isu socodka iyo faa,iidooyin kale oo muhiim u ah bulshada bahwadaagta ku ah Puntland..

“Waxaad  ogsoon tihiin in  dalka iyo Deegaanadaas lagu soo Durkayo  qof kastana waa in uu ogaadaa in  waajib ka saran yahay  taageerda wadada,  waxa aad ku bixisaana waa wax idin anfacaya aduun iyo Aakhiriba” ayuu yiri Faarax Mixile oo la hadlaya Gudoomiyaasha iyo Maamulayaasha Iskuulada Waxbarashada Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST