Ciidan isku dhaf ah oo ka shaqeynaya Amaanka Gaalkacyo oo tababar loo xirey

Madaxweyne kuxigeenada Dowladaha Punlland iyo Galmudug,Taliyaha ciidamada booliska Soomaaliya,kan Puntland iyo Xubno ka socday Saraakiisha Beesha Caalamka ayaa Maanta tobobar u so xiray Ciidamo isku dhaf ah oo ka shaqayndooona amaanka Gaalkacyo,kuwaaso ah ilaa boqol Askari.

Tobobarkan oo soconayay Muddo 20 Cisho ah waxaa bixinayay Tobobarayaal Caalami ah,waxaana Boqolkan askari lagu barayay siday u samayn lahaayen howlgalo lagu xaqiijinayo Amaanka Gaalkacyo,sida uu warbaahinta u sheegay Jen. C/qaadir Shire Faarax (Erag) Taliyaha Ciidamada Booliska Puntland.

Madashan tobobarka lagu so gabogabaynayay Ciidamo ka tirsan Dowladaha Galmudug iyo Puntland waxaa goob joog ahaa Qaybaha kala duwan ee Bulshada oo madaxda heer Degmo ay u sharxeen sida ay magaalada ugu wada howlgalayaan ciidamadan isku dhafka ah.

Madaxweynaha Maamulka Galmudug Maxamed Cabdi Xaashi (Carabey) ayaa sheegay in Ciidamadan tobobarka lo so xiray ay qayb lixaad leh ka qaadanayaan xalinta dhibaato dhinaca Nabadgalayda ah oo Sanadihii ugu danbeeyay uur ku taalo ku ahayd Shacabka ku wada Nool  Magaalada Gaalkacyo.

Sidoo kale Madaxweyne ku xieenka Punltnad Eng. C/xakiin C/laahi Xaaji cumer (camay) ayaa sheegay in ciidamada qalabayntooda iyo siinta xaqooda laga rabo inay iska kaashadaan Dowlada Federalka Soomaaliya,beesha caalamka iyo Maamulada labada Ciidan,wuxuuna xusay maadama ay Puntland ka dhaqaale fiicantahay Galmudug in ay iyagu bixinayaan Mushaarka Saddexda bilood ee ugu horeeya ee ciidamadan isku dhafka ah..

Dhinaca kale,Taliyaha ciidamada Booliska Soomaaliya C/xakiin Daahir Saciid (Saacid) ayaa sheegay in Dowlada Federalka soomaaliya ay garab istaagayso inta tabartooda ah,isagoona sheegay in todobaadyada so socda la so  dhamaystiridoono agabyadii ay ku shaqayn lahaayen.

Ugu Danbayntii,Ciidamadan isku dhafka ah oo ka kooban Boqol askari oo laga kala keenay si siman Maamuladda Galmudug iyo Puntland ayaa la rajaynaya in wax ka badalaan amaanka magaalada Gaalkacyo,taaso noqotay kawaankii Dadkii indhaha u ahaa Soomaaliya.

Gaalkacyo

PUNTLAND POST