Hay,adda Wadooyinka Puntland oo dayactirtay laamiga duleedka bari ee Garowe

Hay,adda Wadooyinka Puntland (PHA) ayaa soo gabagabeysay dayactir ay ku samaysay jajab ku yimid wadada laamiga ah ee isku xirta Garoonka Diyaaradaha iyo Magaalada Garoowe ka dib jajab xoog leh oo ku yimid tan iyo intii ka damaysay saddex xilli roobaad.

Gudoomiyaha Hay,adda Wadooyinka Siciid Surlac iyo Injineer Abshir Darwiish oo ka mid ah shaqaalaha Hay,adda ayaa sheegay inuu leeyahay shaqada ay ka qabteen goobtaan maamulka Dowlada hoose balse tani ay ku timid ka dib markii uu si gaar ah amar ugu siiyay Madaxweynaha Puntland.

Wuxuu sheegay Gudoomiye Siciid inay PHA dayactir baaxad leh ku samaysay inta u dhaxaysa duleedka bari ee magaalada Garowe ilaa iyo laamiga mara tuulada 22aad Islamarkaana ay qeyb ka tahay hawshani dadaalada ay PHA ugu jirto gacan ku haynta iyo la tacaalida burbur kasta oo ku yimaada wadooyinka.

Waxa uu sheegay Mr Siciid Surlac inay ahayd shaqada Hay,adda Wadooyinku soo gabagabeysay mid uu si gaar ah ugu amrey Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali “Gaas”.

Dhinaca kale Eng Abshir Darwiish oo ka mid ah saraakiisha Hay,adda Wadooyinka Puntland ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay sidey Hay,adda PHA uga jawaabtay jajabka ku yimid hareeraha laamiga dheer oo ay sababeen roobabkii ka da,ay gudaha dalka.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST.