Iska hor-imaad sababay dhaawaca Taliye iyo labo Askari oo ka dhacay Bosaso

Maxamed Cali Xaashi

Bosaso-[Puntland Post] Sida Puntland Post loo xaqiijiyey waxa dhaawac fudud soo garay Taliyaha Dekedda Boosaso Maxamed Cali Xaashi iyo labo kamid ah ciidanka ilaalada Dekedda.

Dhaawaca Taliyaha iyo labada Askari ayaa ka dhashay goob ay ciidamada Booliska Puntland ay ku bacsanayeen dibad baxayaal, halkaas oo u dhawayd goob ay Ciidamada Badda Puntland ay ka dagan yihiin magaalada Bosaso.

Xaaladda ayaa hadda degan, waxaana guud ahaanba la kala kexeeyayy ciidankii iska hor imaadka kooban dhexmaray, sida Puntland Post Xafiskiisa Bosaso u xaqiijiyey mid kamid ah sarakiisha ciidamada.

Iska hor-imadkan ayaa daba socday ka dib markii uu saaka Bosaso ka dhacay Mudaharaadyo si wan looga dareemay magaalada isla markaana looga soo hor jeedaya kala soocida lacagata shilinka Soomaalig ah.

Wixii soo kordh la soco Puntland Post 

Cabdiqani Boos

Puntland Post  Bosaso.