Banaan bax looga soo hor jeedo kala soocida shilinka Soomaaliga oo Bosaso Ka socda

Bosaso-[Puntland Post] Magaalada Bosaso ee xarunta gobalka Bari, waxaa ka socda banaan bax lagaga cabanaayo lacagta shilin Soomaaliga ah oo dowladu bilowday in ay kala soocdo .

Waxaana taasi ka soo horjestay Ganacsatada Bosaso, iyagoo ku doodaya in aysan jirin sabab lagu kala garan karo lacagta Soomaaliga ah.

Puntland Post xafiskiisa Bosaso oo la hadlay qaar kamid ah ganacsatada ayaa waxa ay sheegen in Wasaarada Maaliyada iyo dowlada hoose ay bileeen kala soocid lacagta shilinka Soomaliga ah .

Dadka isu soo baxay ayaa ku dhawaaqaqey ”Dooni mayno Dollar ‘, si nabad ah ayeyna magaalada ku dhexmarayaan

Waxa xiran inta badan suuqyadii ganacsiga ee magaalada, Wadooyinka Boosaso ayaa waxa lagu arkayaa Ciidamo kaal duwan oo sugaya amaanka si loogo hor tago falalka amni daro.

Banaan baxa saaka Bosaso ka dhacay waxaa uu ku soo beegmayaa imanshaha Madaxwayne Gaas oo lagu wado in uu goordhaw soo gaaro magaalada Boosaso ee xarunta gobalka Bari.

Wixii soo kordh la soco Puntland Post insha allah

Cabdiqani Boos 

Puntland Post, Bosaso