Wasiir Cuuke oo xarigga ka jaray xarumo caafimaad oo laga dhisay tuulooyin G.Nugaal

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland ayaa maanta xarigga ka jaray xarumo caafimaad oo laga dhisay tuulooyinka Baq-baq iyo Budun-buto oo ka Tirsan Dagmada Dongoroyo ee Gobolka Nugal.

Dhismayaasha la dhammaystiray ayaa ahaa kuwo uu  dhagax dhigay muddo laga joogo  7 bilood Wasiir Cuuke kadib markii la arkay baahida caafimaad ee ka jirta deegaanadaas.

Tuulooyinkan ayaa ah kuwo u jira ku dhawaad 200KM magaalada Caasumadda ah ee Garowe, Mana aysan lahayn goobo caafimaad, waxayna dadka deegaanku wasaaradda caafimaadka ku ammaaneeneen muhiimadda ay iska saartay sidii dadkaas loogu samayn lahaa xarumo ay ka helaan adeegyo caafimaad.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in ciddi bukoota loo qaadi jiray magaalada Garowe, taasoo mararka qaar aysan awood u heli jirin inay gaarsiiyaan bukaanka, halka qaybtood jidka ku naf-bixi jireen.

Socdaal uu saaka ku tagay Wasiir Cuuke oo ay wehelinayeen maayarka Dangoroyo, xubno ka tirsan hay’adda World Vision oo ka qayb qaatay dhismaha xarumahaas, ayaa xariga laga jaray dhawr dhisme oo ah xarumo caafimaad, waxaana dadka deegaanka loogu baaqay inay ilaashaadaan kuna dadaalan sidii ay usii ballaarsan lahaayeen maadama arrintani tahay bilow wanaagsan.

Sii hayaha xilka Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Puntland Cabdinaasir Cismaan Cuuke, oo hadal ka jeedinaya xafladda furitaanka ayaa sheegay in dhismayaashan ugu tala-galeen in wax looga qabto baahida caafimaad ee ka jirta deegaanka kaasoo uu xusay inay ku ogaadeen kormeer ay ku mareen tuulooyinkan iyo war-bixino ay ka heleen shacabka.

“Tani waa bilow wanaagsan, idinka ayaa la idin ka rabaa inay ku dadaashaan sidii loo ballaarin lahaa loona ilaalin lahaa, wasaaraddu waxa ay idin ka hagranayso ma jirto dadaalna waan ku bixin doonaa sidii la idiin taageeri lahaa. Runtii waan u mahadcelinayaa reer Baq-baq oo dhismihii loo dhisay sii ballaariyay oo wax ku daray, balse in guri la dhisaa waa fududahay, laakiin waxaa loo baahanyahay  in laga shaqaysiiyo cidda ka shaqaysiinaysana waa idinka,” Ayuu yiri Cuuke.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST