Wasiiirka Arrimaha Gudaha Dowlada Federalka oo Shir-gudoomiyay kulan bille ah.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Federaalka iyo Dib-u-heshiisiinta Soomaalia Mudane Abdi Faarax Siciid (Juxa) ayaa maanta furay Shir bille ah oo looga hadlo xasilinta dalka, waxaana kasoo qayb galay madax ka socotay Maamul goboleedyadda iyo dowladda federaalka, Ku xigeenka dhanka gargaar arrimaha bani’aadanimadda Peter De clarke, Ergayga gaarka ah ee UN-ka u qaabilsan Soomaaliya, madax ka socotay hay’adaha UNSOM, IOM/OTI, TIS+ iyo FCA- Finland. Waxaana looga dooday xoojinta iyo dib-u-heshiisiinta dalka.

Wasiirka Wasaarada Arrimaha Gudha oo ka warbixiyay xaaalad dalka iyo shaqooyinkii la qabtay wakhtigii ay shaqey nayeen ,sidoo kale hay’addaha ayaa kala hadlay  arrimo dhowra oo ay ka mid yihiin, Dib-u-heshiisiinta dalka,  Arrimaha Federaalka,  Maamul wanaagga iyo Maamul Baahinta iyo waliba  dar-dargelinta dhismaha goloyaasha deegaanka ee degmooyinka Soomaaliya, gaar ahaan Koonfurta iyo bartamaha dalka, si loo sameeyo maamul baahin, dalkuna uga hirgasho qorshayaasha dowladda.

Sidoo kale Wasiir Juxa ayaa usoo jeediyay maamul goboleedyadda gaar ahaan Gal-mudug iyo Hir-Shabeele inay diyaarinyaan sharciga dowladdaha hoose kaasoo lagu soo dhisi doono goloyaahsooda deegaan ee degmooyinka, maadama ay haatan baahi wayn u qabaan shacabka Soomaaliyeed inay helaan maamul hoosaadyo ay ku dhaqmaan.

Qaar kamid ah madaxdii ka soo qayb gashay kulanka ayaa soo jediyay in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dhiso goloyaasha deegaanka, waxayna  dhamaantood balan qaadeen inay si wanaagsan ula shaqay doonaan maamulka iyo madaxda Wasaarada si loo fuliyo  sharciyada dalka.

Ugu danbayntii madaxda ayaa isla gartay in shaqooyinka la dadajiyo loona kal hormariyo sida ay ukala muhiim sanyihiin.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST