Madaxweynaha Hirshabeelle oo magacaabay Degmooyin cusub

Beledweyne[Puntland Post] Madaxweynana Maamulka Hirshabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa maanta magacaabay Degmooyin cusub oo uu ku kordhiyay kuwa Gobolka Hiiraan.

Wareegto ka soo baxday Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu magacaabay Degmooyinka Halgan,Ceel Cali iyo Farlibaax in ay noqdaan degmooyin cusub oo ku biiray kuwa Gobolka Hiiraan.

Warqadda ka soo baxday madaxweynaha Hirshabeelle ayaa lagu sheegay in degmooyinkaas ay buuxiyeen sharuudaha degmonimo ee degmo kasta laga doonayo.

Cabdiqani Boos 

Puntland Post