Wasiirka Amniga Puntland oo maanta lagu soo dhaweeyay Garowe

Waxaa maanta lagu soo dhaweeyay magaalada Garowe Wasiirka Amniga Dowlada Puntland Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) ka dib safar maalmo qaatay oo uu kaga soo noqday magaalada Nayroobi Caasimada Dalka Kenya.

Masuuliyiin ka tirsan laamaha Dowlada, Saraakiisha Ciidamada, Ururada bulshada iyo Haweenka ayaa ka qeybgalay soo dhaweynta maanta loogu sameeyay Wasiirka magaalada Garowe, Wuxuuna ka warbixiyay Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) hawlo shaqo oo uu u tagay dalka Kenya.

Warfidiyeenka ayaa su,aalay Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) rajada uu ka qabo inuu mar kale dib ugu soo laabto Xukuumadda Puntland madaama Wasaaradiisu hormuud u tahay hay,addaha waxqabadkooda dhaliileen Baarlamanku ka hor intii aysan codka kalsoonida u qaadin Xukuumadda Puntland.

“Adeer anigu waxaan ahay muwaadin reer Puntland ah, Xilna uma joogin haddii la iga qaado iyo haddii kale oo aan soo laabtaba mar walba dalka iyo dadkaba waan u shaqeynayaa sidaas darteed weydiiya su,aashaas dadka aad uga walwalsan tihiin cuqdada iyo fowdada” Ayuu yiri Wasiir Cabdi Xirsi Cali Qarjab.

Ma ahan masuulkii ugu horeeyay oo ka mid ah Gollihii Xukuumadda Puntland ee kalsoonida baarlamanku kala laabtay 18 July 2017 oo lagu soo dhaweeyo magaalada Garowe.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST