Garowe oo lagu qabtay shir dhaqaale loogu uruurinayo fatahaadda Badda Caluula

Markab bilo ka hor ku degay xeebaha Degmada Caluula ee Gobolka Gardafu oo loo badinayo inuu waday waxyaabo kiimico ah oo wax dili kara ayaa la sheegayaa inuu saamayn ku yeeshay deegaanka, taas oo dhibaato ku haysa nolosha dadka.

Badda ayaa si joogta ah ugu fatahaysa xaafadaha kala duwan ee degmadda cirifka ku taala. Waxaa jira guryo ay wax yeelaysay iyo qoysas ka barakacay hoygoodii, sidoo kale waxay baabi’say dhuldaaqsimeed ku yiilay berriga.

Shir ay isugu yimaadeen qaybaha kala duwan ee bulshadda Guardafu oo uu goddoominayay Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin isla markaasna ay ka qayb-galeen ganacsato, maamulka gobolka, xubno ka tirsan xukuumadda oo ay ugu horayso wasiirka haweenka iyo arrimaha qoyska Anisa Xaaji Muumin iyo xubno ka socday baarlamanka Puntland oo ka dhacay Garowe ayaa la iskula soo qaaday sidii arrimahaa wax looga qaban lahaa.

Waxaa goobta shirka laga sameeyay dhaqaale arruurin, si dhibaatada jirta oo ka sii daraysa wax looga qabto. Sidoo kale shirka waxaa ka soo baxay baaq ku socda dowladda, hay’adaha ka shaqeeya gudaha iyo dadka reer Puntland.

Beeldaaje Ismaaciil Beeldaaje Yaasiin oo akhriyay nuxurka shirka ayaa ku baaqay;

  1. In dhibaatada ka jirta Caluula oo ah mid musiibo ah, si deg deg ah looga jawaabo si aysan uga sii darin nolosha kumanaan qoys oo hadda wajahaya mushkilado badda ka dhashay.
  2. In Baaris lagu sameeyo sida ay ku timid dhibaatadan sida joogta ah uga jirta deegaanka toddobaadyadii u dambeeyay.
  3. In dowladdu si deg deg ah wax uga qabato dhibaatada Caluula iyo badda ku soo rogmatay.
  4. Hay’adaha caalamiga iyo kuwa maxaliga ah ayaa sidoo kale loogu baaqay in ay gurmad u sameeyaan deegaanka iyo dadka dhibaataysan. Iyadoo dadka deegaanku ay mudaba arrintan ka shaqaynaayeen sidii ay iyagu iskaashi wax ugaga qaban lahaayeen.
  5. Shirka ayaa soo baaq u diray bulshadda reer Puntland dal iyo dibedba in ay reer Guradafu deg deg wax ugala qabtaan dhibaatada ka jirta Caluula

Wararku waxay sheegayaan in meelaha qaar lagu arkay xayawaano ku  noolaa Badda oo bakhtigooda ay baddu soo tuftay.

Xildhibaan Salaad Xareed oo shirka ka hadlay ayaa xusay in ay arrintaas dhowr jeer kala hadleen wasaaradaha dekedaha iyo khayraadka Badda & wasaaradda kalluumaysiga ee Puntland.

Dhaqaalaha lagu arruuriyay shirkii xalay ayaa qorshuhu yahay in gurmad loogu sameeyo dadka ka barakacay guryahooda, kuwa ku tiirsanaa wax soo saarka badda ee shaqo gabay iyo sidii lagu joojin lahaa biyaha xoogga leh ee ka imanaya jaanka Caluula soona gelaya degmadda iyo dhul daaqsimeedka ku dhow.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST