Garowe:-Beesha Siwaaqroon oo taageero u muujisay Wasiirka Haweenka Puntland

Shir xalay magaalada Garowe ay isugu yimaadeen Odoyaasha, Waxgaradka, Xildhibaano iyo Aqoonyahanada Beesha Siwaaqroon ayaa taageero buuxda loogu muujiyay Wasiirka Haweenka Puntland oo ay ku amaaneen dadka shirka ka qeybgalay inay waxqabad iyo qorshayaal taabagalay ay hirgalisay tan iyo intii uu Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali (Gaas) u magacaabay Wasaaradda Haweenka iyo Arrimaha Qoyska Puntland.

Shirkaan oo aysan goobjoog u ahayn Wasiir Aniso ayaa wararku sheegayaan inay ka qeybgaleen labada Xildhibaanada ee u matala kuraasta beeshu ku leedahay Baarlamanka Puntland,Odoyaal,Ganacsato iyo Aqoonyahano,waxayna si wada jir ah qalinka ay ugu duugeen taageero iyo bogaadin loo jeediyay Wasiirka Haweenka Puntland Drs Aniso Xaaji Muumin.

Drs Aniso Cabdulqaadir ayaa ka mid ahayd xubnihii ugu firfircoonaa dhinaca waxqabadka Xukuumadda uu hogaamiyo Madaxweyne Cabdiweli Gaas ka hor intii aanu codka kalsoonida ku ridin 18 July 2017 baarlamanka Puntland.

PUNTLAND POST.