Wasiirka Deegaanka Puntland oo Qardho kusoo xiray Aqoon-isweydaarsi ku saabsan maaraynta daaqa

Waxaa maanta magaalada Qardho lagu soo gabagabeeyey Aqoon iswaydaarsi loo qabanayey waxgaradka, Odayaasha iyo Cuqaasha kaladuwan ee Puntland kaas oo ay soo qabanqaabisay wasaarada Deegaanka Puntland oo kaashanaysa hay’adda Care waxaana aqoon iswaydaarsigani uu ku saabsanaa maaraynta Dhul daaqsimeedka iyo sida ugu wanaagsan ee loo samayn karo Xirmaynta dhulka si loo ilaaliyo Dhuldaaqsimeedka.

Tababarkaan ayaa intii uu socday waxgaradkii ka qaybgalay waxay soo booqdeen Dooxada Dharoor ee gobolka Bari halkaas oo dhawaan laga sameeyey dhul Dhaqaalayn Xirmo ah taas oo la xiray inta badan Dooxadaas lagana saaray Xoolihii daaqayey si loo ilaaliyo Dhul daaqsimeedka islamarkaasna loo sugo in dhirtu soo wada baxdo, Waxgaradka ayaa soo arkay Isbedel wayn oo dhulka kuyimid iyadoo sidoo kalena ay ka faa’iidaysteen waxgaradka Deegaanka qaabkii ay Xirmadaas u sameeyey iyo Caqabadihii ay la kulmeen.

Duqa Magaalada Qardho oo ka hadlay xiritaankii Aqoon iswaydaarsiga ayaa uga mahadceliyey Wasaarada Deegaanka sida ay xilka wayn isaga saartay hormarinta aqoonta bulshada ee ku saabsan maaraynta dhulka waxaana uu sheegey in maamulka degmada Qardho ay shaqo badan ka qabteen arimaha Deegaanka waxaana uu sheegey in ay ku guulaysteen inay magaalada Qardho ka mamnuucaan iibsiga iyo kaganacsiga Dhuxusha.

Sidoo kale waxgaradkii ka qaybgalay Aqoon iswaydaarsiga ayaa dhankooda bogaadiyey shaqada baaxada leh ee ay wasaarada Deegaanku qabatay mudooynkii lasoo dhaafay waxaana ay sheegeen in ay taageerayaan hormarka ay wasaaradu wado iyagoo sheegey inay diyaar u yihiin inay wasaarada garab istaagaan islamarkaasna ay deeganadooda ka hirgelin doonaan aqoontii ay ka faa’iideen Tababararkii ay kusoo qaateen Dharoor & Qardho dhowrkii casho ee lasoo dhaafay.

Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo aqoon iswaydaarsiga soo xiray ayaa sheegey in loo baahanyahay in dadka reer Puntland u diyaar garoobaan siday wax uga qaban lahaayeen Deegaanka kana hortagaan Xaalufka iyo dhibaatooyinka baaxada leh ee lagu hayo .

Wuxuu sheegay wasiirku inay abaalmarin gaar ah siin doonto cid kasta oo deegaankeeda hormarisa islamarkaasna ay taageerayso in bulshadu isku tashadaan oo ay iskood uga shaqaysteen Deegaanadooda gaar ahaana dhulka Daaqsinta ah,

Wasiir Cali Cabdulaahi ayaa uga mahadceliyay waxgaradka reer Puntland ee ka qaybgalay shirka siday u taageereen waxqabadka wasaarada, wuxuuna sheegay in loo baahanyahay in si wadajir ah loogu shaqeeyo dalka iyo Dadkaba loogana baxo caqabadaha imika kajira Deegaanka gaar ahaana Biyo Yarida iyo Daaqa Xoolaha oo sii yaraanaya.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST