Wasaaradda Deegaanka oo aqoon kororsi ugu qabatay Dooxada Dharoor Waxgarad ka yimid Gobolladda Puntland.

Waxaa maanta deegaanka Meela-deen oo ku yaala dooxada Dharoor ee Gobolka Bari lagu qabtay aqoon iswaydaarsi ku saabsan maaraynta Daaqa iyo Xirmaynta dhulka kaas oo ay soo qaban qaabisay Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL oo kaashanaysa Hay’adda Care International waxaana aqoon iswaydaarsigan loo qabtay Cuqaal, Samadoono,Waxgarad iyo Masuuliyiin ka kala yimid Gobolada kala duwan ee Puntland, waxaana ka qeybgalay Aqoon iswaydaarsigan madaxda Wasaarada Deegaanka oo uu hogaaminayo Wasiirka Deegaanka, Maamulka Gobolka Bari iyo Kan Degmooyinka Ufeyn iyo Isku-shuban.

Aqoon-iswaydaarsigan oo si qoto dheer looga dooday islamarkaasna loogu kala faa’iidaystay habka xirmaynta dhulka ayaa lagu qabtay geed wayn oo ku yaala deegaanka Meeladeen waxaana waxgaradkii ka kala yimid Gobolada kala duwan ee Puntland ay halkaas sharaxaad ku saabsan habkii loo xirmeeyey dooxada Dharoor oo dhawaan laga sameeyey xirmo-daaqsimeed lagu badbaadiyey Dhulka daaqsinta ah ee Dooxadaas ay uga dhagaysteen maamulada degmooyinka Ufayn iyo Iskushuban iyo Cuqaasha deegaankaas oo iyagu dhawaan sameeyey xirmada taas oo ahayd tii ugu horaysay oo Puntland laga sameeyey tan iyo markii ay dhacday dawladii dhexe ee Soomaaliya.

Intii uu socday tababarkaasi waxaa hadalo kala duwan ka jeediyey cuqaashii iyo waxgaradkii ka qaybgashay tababarka waxayna wax iska weydiiyeen masuuliyiintii iyo waxgaradkii sameeyey Xirmada dhawaan kuwaas oo ay ka waraysteen caqabadihii ay la kulmeen intii ay xirmadu socotay iyo waxyaalihii ay ka faa’iideen, madaxda degmooyinka Ufeyn iyo Iskushuban iyo Cuqaasha deeganadaas ayaa sheegey in lagu guulaystay in lasoo celiyo dhul daaqsimeedkii ay Dooxada-Dharoor caan ku ahayd islamarkaasna ay si wayn ugu faa’iideen xoolo dhaqatada Deegaanku waxaana ay sheegeen inay qorshaynayaan inay sanad walba joogteeyeen xirmada dhulka daaqsinta ah si loosoo celiyo Dhirtii iyo Geedihii ay caanka ku ahayd Dooxada Dharoor.

Gudoomiyaha gobolka Bari Yuusuf Maxamed Wacays (Dhado) oo ka hadlay aqoon iswaydaarsigaas ayaa sheegey in ay ku faraxsanyihiin in dhamaan bulshada reer Puntland ay isugu yimaadeen dooxada Dharoor kadib markii la xirmeeyey waxaana uu sheegey inay rajayanyaan in gobolada kale ee Puntland-na dhawaan laga sameeyo Xirmaynta dhul daaqsimeedka si loosoo celiyo haybadii iyo quruxdii uu dhulku lahaa.

Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa gabagabadii aqoon iswaydaarsigaas shahaadooyin gudoonsiiyey masuuliyiintii iyo cuqaashii xilka iska saaray in lasoo celiyo Xirmada waxaana uu sheegey in tani ay tilaabo wanaagsan tahay loona baahan in gobolada kale ee Puntland ay ku daydaan bulshada Dharoor.

Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegey in la gaaray xiligii dadku ay dhulkooda ka shaqayn lahaayeen islamarkaasna ay u ilaashan lahaayeen dhulka Xoolo-Daaqeenka ah wasiirka ayaa dhanka kale sheegey in qorshahaan laga fulin doono dhamaan gobolada kaladuwan ee Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST