Wasaarada Deegaanka Puntland oo biyo xireen cusub ka dhagax dhigtay Dooxada Dharoor.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL ayaa maanta deegaanka Meela-deen oo ka tirsan Dooxada Dharoor ka dhagax dhigtay biyo-xireenkii Afraad oo mudo bil gudaheed ah ay wasaaradu ka bilowday Gobolada Puntland, dhagax dhiga biyo-xireenkan oo laga bilaabay goobta Shilaale oo 10KM u jirta deegaanka Meeladeen waxaa ka qaybgalay, Gudoomiyaha Gobolka Bari, Gudoomiye kuxigeenka Gobolka, Odayaal iyo Waxgarad ka kala yimid Gobolada Puntland iyo Gudoomiyeyaasha degmooyinka Iskushuban iyo Ufeyn ee Gobolka Bari.

Eng. Haashim Xaaji Maxamed lataliyaha Wasaarada Deegaanka ee dhanka biyaha oo sharaxaad ka bixiyey Biyo-Xireenkan ayaa sheegey in biyo Xireenkani uu noqon doono kii ugu waynaa oo laga dhisay Puntland waxaana uu sheegey in halkii mar uu biyo Xireenkani qaadi karo inkabadan “Boqol iyo Sideetan Milyan oo Litiri” taas oo uu sheegey in ay dadka ku nool Dooxada oo dhani ka cabi karaan.

Wuxuu sheegay Eng Haashim in biyo-xireenkani deegaanka ka dhigi doono mid qani ku ah Biyaha islamarkaasna ay dadka, Duunyada, Duurjoogta iyo Beeralayduba ka faa’iidaysan doonaan biyaha.

Sidoo kale Eng, Haashim Xaaji Maxamed wuxuu sheegay in la dhisi doono Haan qaadaysa ilaa 200-Fuusto oo biyaha kaydisa iyo Darar xooluhu ka cabaan oo suurto galin doona in deegaankaan lagu noolaado in ka badan labo sano hadii uusan Roob ka da’in.

Odayaasha Iyo Waxgaradka Reer Meeladeen ayaa iyana dhankooda soo dhaweeyey biyo Xireenka ay wasaaradu ka dhistay Deegaankooda waxaana ay sheegeen in ay rajaynayaan in noloshoodu ay hormar gaarto waxwayna ay iska badalaan biyo Yaridii deegaanka ka jidhay.

Samafale Maxamed Yuusuf Jaamac Tigey oo u ololeeya arimaha Deegaanka iyo Dalxiiska oo kamid ahaa dadkii ka qaybgalay dhagax dhiga Biyo Xireenkan cusub ayaa sheegey in ay Wasaarada Deegaanka dhawaan la bilaabi doonaan Mashruuc “Isku tashi ” ah kaas oo dadka reer Puntland ay Xoolahooda iyo maalkoodaba isku aruurin doonaan islamarkaasna ay Biyo Xireeno ku dhisanayaan.

Gudoomiyaha Gobolka Bari Dr. Yuusuf Maxamed Wacays (Dhedo) oo isna ka hadlay Dhagax dhgiii biyo Xireenka ayaa sheegey in maamulka gobolka Bari iyo bulshadiisuba abaalwayn ugu hayn doonaan wasaarada Deegaanku sida ay xilka isaga saartay biyo-yarida haysata bulshada waxaana uu sheegey in ay isgarab taagayaan dhismaha biyo xireenkan, dadka deegaanka ayuu gudoomiyaha gobolka Bari ugu baaqay inay ilaashadaan hantida culus ee dhankooda lasoo xijiyey.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullaahi Warsame ayaa sheegey in uu ku faraxsanyahay inuu dhagax dhigo Biyo-xireenkii Afraad mudo kooban gudihiis kaas oo laga dhisayo Puntland.

Wuxuuna sheegay inta aan la gaarin roobka Dayrta inuu rajaynayo  dhamaan afarta Biyo-xireenba dhismahooda lasoo gabagabeeyo islamarkaasna ay heli doonaan dadka reer Puntland kaydad xilli roobaadka soo socda kaasoo qeyb weyn ka noqonaya siyaasada Wasaarada Deegaanka ee ah in laga boxo Oonka iyo rafaadka biyo-yarida.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST