Wafti Puntland oo soo gabagabeeyey booqasho taariikhiya oo ay ku tageen Caasumadda Kigali Rwanda.

Agaasimimaha Guud ee Hay’adda Astaynta Maamul wanaagga iyo La dagaalanka Musuqmaasuqa Dowladda Puntland Cabdiaxmaan Cali Guureeye iyo Xubno ka socda xafiiska  oo u joogay maalmihii la soo dhaafay Dalka Rwanda arrimo shaqo ayaa soo gabagabbeyey booqashadii ay ku joogeen Magaaladda Kigai ee Dalka Rwanda.

Wafdiga Dowladda Puntland ayaa intii ay joogeen dalka Rwanda waxay si hoose ugu kuur galayeen siday Rwanda ku timid heerkan wanaagsan iyo horumarka ay gaartay ka dib dagaaladii sokeeye iyo xasuuqii ka dhacay dalkaas bilowgii sannadihii sagaashamaadkii.

Mas’uuliyiinta  Puntland ee Hay’ada Astaynta maamul-wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa ayaa si gaar ah waxay diiradda u saarayeen arrimaha la xiriira  maamul wanaagga,  ka hortagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, wanaajinta adeegga dadweynaha iyo qiimaynta waxqabadka hay’adaha kala duwan ee dowladda dhanka isla xisaabtanka,kasoo bixidda waajibaadkooda, la socoshada howl maalmeedkooda, iyo ka guul gaaridda howlaha loo igmaday xafiisyadda dowladda.

Agaasimaga Guud iyo waftdiga la socday waxay booqdeen oo kulamo la qaateen,  Taliska guud ee ciidanka Policka Rwanda, waaxda la dagaalnka musuqmaasuqa. kaas oo ay wada shaqayn dhow la leeyihiin xafiiska “office of the Ombudsman,   oo ay warbixinno la xirriira arrimaha sugudda aminga, dhaqan galinta siyaasadda dowladda ee ah in aan cidna gorgortan lagala galin la dagaalanka iyo ka hortaggiisa  musuqmaasuqa ” O% tolerance policy”  iyo baaritaandda  la xiriira arrimaha musumaasuqa wafdigu ka dhageysteen taliya guud ee ciidanka Police “The Police commitionerof  Rwanda”  Taliye ku xigeenka ciidanka Police oo ah qof dumar ah, saraakiil sare oo u xilsaaran  dhaqan galinta sharciga iyo ka sarrayntiisa iyo dabagalka iyo la dagaalanka musuqmaasuqa.

Waxay kaloo kulan taariikhi ah la qaateen xeer ilaaliyaha guud ee dowladda Rwanda oo si waafi ah uga war bixiyey qaanuunka la  xirrira la dagaalanka musuq maasuqa iyo lunsiga hantida dadweynaha iyo wadashaqaynta ay leeyihiin hay’aha kale ee dowladda ee ilaalinta hantida ummadda.

Sidoo kale waxay booqdeen hanti dhawrka guud ee dowladda Rwanda,Hay’adda qandaraasyadda iyo ugu danbayn Transparency International Chapter-ka  Rwanda oo talooyin tira badan ka bixiyey sidii muuqaalka guud ee Soomaaaliya dhanka musuqmaasuqa loo wanaajin lahaa.

Ugu danbeyn wafdiga dowladda ayaa waxaa casho sharaf taariikhi ah iyo sagootin waxaa u sameeyey  Chief  Ombudsman Gabadha lagu magacaabo Cyanzayire Aloysie  iyo Xoghayaha joogtada ah iyo agaasimayaasha waaxyaha  Hay’adda dowladda Rwanda u qaabilsan maamulwanagga, La dagaalanka musuqmaasuqa iyo ilaalinta caddaaladda The office of Ombudsman oo yagu lahaa casumaadda iyo soo dhaweynta Wafdiga ka socday Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST