GAROWE:-Camay oo xariga ka jaray Machadka Royal Institute of Business & Technology

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland. Eng. Cabdixakiin Cabdullaahi Xaaji Cumar (Camey), ayaa xalay oo khamiis ahayd xariga ka jaray machad lagu magacaabo Royal institute of Business and Technology.

Machadkaan oo ah machad heer jaamacaddeed oo lagu barandoono kulliyadaha ganacsiga iyo Technologiyada ayaa xafladii furitaankiisa waxaa kasoo qeyb galay madax kala duwan oo ka socotay dowladda Puntland iyo dowladda federalka, bankiyada ganacsiga iyo marti sharaf kale.

Guuleed Saalax Barre, oo ah agaasimaha machadka SIDRA, kana mid ah aas-aasayaasha machadkaan Royal, ayaa sheegay machadkaan in loo yagleelay baahi weyn oo loo qabo in la helo, dad aqoon fiican u leh horumarinta ganacsiga, si mustaqbalka dhow looga gudbo caqabadaha ku saabsan in uu ganacsigu burburo isagoo aan laga guul gaarin.

Guuleed ayaa xusay  dadka uu machadkaan soo saaridoono inay ahaandoonaan kuwo marka ay xirfadahaan dhameystaan isla markiiba ku shaqeysan kara. Waxaa kale oo uu sheegay inay jiridoonaan 59 xirfado ah oo uu machadkan bixindoono, kuwaas oo uu ka caawinayo bankiga aduunka. Maadooyinka ugu horeeya ee lagu bilaabidoono ayuu agaasimuhu sheegay inay kala yihiin, 7 kuliyadood oo kala  ah bachelor iyo diploma.

Asli Qodax oo kamid ah dadka loo tababaray inay bixiso koorsooyinka yaryar, ayaa waxay sheegtay kuliyadaha uu machadkaan bixindoono inay yihiin kuwo muhiim ah oo looga baahan yahay xafiisyada dadka loogu adeego.

Cabdixakiin Caruush oo ka socday Bankiga aduunka, ayaa isna bogaadiyay machadkaan, wuxuuna tilmaamay inuu machadka Royal heshiisa kula jiro World Bank gaar ahaan qeybtiisa  IFC (international finance corporation), taasoo ka caaiwnayso  sidii ganacsiga gaarka ah loo horumarin lahaa, loona yarayn lahaa faqriga.

Ku simaha Wasiir ku xigeenka waxbarashada iyo tacliinta sare ee dowladda Puntland, Dr. Maxamed Cali Faarax, ayaa soo dhoweeyay machadkan, isaga oo sheegay inuu qeyb ka ahaandoono macaahida tacliinta sare ee dalka usoo saaridoono dad aqoon leh oo iyagu shaqo abuuri kara ama u sahlanaan karto inay shaqo helaan.

Ku simaha Wasiirka shaqada, shaqaalaha iyo dhalinyarada dowladda Puntland , Cabdiraxmaan Sheikh Axmed Cabdulle, ayaa aad usoo dhoweeyay labada kuliyadood ee uu machadka xushay inuu dadka baro, kuwaas oo uu cadeeyay inay yihiin maadooyin si dhab ah uga turjumaya baahida loo qabo xilligaan iyo habka machadku u qaabeeyay sida loo barayo dadka.

Wasiiru dowlaha waxbarashada Soomaaliya,  Cabdiraxmaan Maxamuud Cabdulle Jaabiri, ayaa marka hore bogaadiyay machadkaan, isagoo sheegay macaahida nuucaan ah inay ka qeyb qaadan karaan horumarka iyo kobcinta aqoonta bulshada.  Wuxuu sheegay wasaaradda waxbrashadu inay siisay aqoonsi markii ay darseen baahida loo qabo machadkan.

Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland, Eng. Camey ayaa sheegay ka dowlad ahaan inay ku faraxsan yihiin inuu machadkaan soo kordho, isagoo sheegay caalamka inuu maanta ku tartamayo cilmiga Sayniska, dalkeenuna uu aad ugu yar yahay  barashadiisa.

Madaxweyne Camey ayaa u mahad celiyay Guuleed Saalax Barre iyo Sahro Kooshin oo horey u aas aasay machadka SIDRA, wuxuuna ku ammaanay inay fursado shaqo u abuureen dhalinyaro badan oo aqoonyahaniin ah. Wuxuu ugu dambayn kusii booriyay inay xooga saaraan shaqaalaha ama macalimiinta ay qaadanayaan inay noqdaan macalimiin ah Soomaaliyeed.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST