Xildhibaan Galmudug “Mareykanku wuxuu soo celin dagaalkii Galmudug iyo Puntland”

Maxamed Xuseen Tahliil oo sheegay inuu ka tirsan-yahay baarlamaanka dowlad-gobolleedka Galmudug ayaa ku eedeyay dowladda Mareykanka inay dib usoo celineyso dagaalkii Gaalkacyo ee Galmudug iyo Puntland ka dib markii uu cambaareeyay howlgal ay ciidamo isku dhaf ah ka fuliyeen koonfurta magaalada Gaalkacyo oo la sheegay in lagu qabtay ilaa shan ruux oo la sheegay inuu ku jiro Cabdirisaaq Xuseen Tahliil (Ina Calool-geel) oo ku magac dheer Ilkacase.

Wuxuu intaas ku darrey xildhibaanka howlgalka inay ka qeyb-qaateen ciidamo Mareykanka ah, dhammaanna dadka howlgalka lugu qabtay wuxuu sheegay in la dhigay xabsi qarsoodi ah oo u sheegay Mareykanku inuu ku leeyahay deegaan ku dhow garoonka diyaaradaha Cabdullaahi Yuusuf ee Gaalkacyo.

“Mareykanku wuxuu wadaa qorshe uu meesha kaga saarayo deganaashaha muddada bilaha ah ka jirtay magaalada Gaalkacyo oo ay dib usoo celinayaan dagaalka Galmudug iyo Puntland.” ayuu yiri xildhibaanka.

Howlgalka ayaa la sheegay muddo bil ah inuu socday, bartilmaameedkiisu wuxuu ahaa shan ruux oo howl-fuliyayaal ah sidoo kalana ka tirsan amniyaatka ururka al-Shabaab,sida laga soo xigtay ilo xogagaal ah.

Puntland ilaa hadda war kama soo saarin howlgalka la sheegay ciidamo isku dhaf ah  inay fuliyeen.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST