Ururka Lions iyo Xildhibaan Surcad oo deeq gaarsiiyay qoysas danyar ah Gobolka Nugaal

Ururka Lions Clubs iyo Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar (Surcad) ayaa deeq raashin ah oo isugu jirta gaarsiiyey Bur,Bariis iyo Saladiid 150 qoys oo ku dhaqan tuulooyinka Awr-Culus,Yoombays iyo Dudumaale oo ka tirsan Gobolka Nugaal waxaana tuuladiiba loo qaybiyey 50 qoys ah oo ah kuwa danyarta ah ee dadka deegaanka ugu taagta yar.

Deeqda waxaa qaybinayey Lions Clubs Bossaso waxaana dhaqalaaha bixiyey Lions Clubs International Foundation (LCIF) oo ah urur caalami ah oo ka jira Soomaaliya iyo wadamada kale ee aduunka.

Shacabka ku dhaqan Tuulooyinka la gaarsiiyey deeqdaan ayaa uga mahad celiyey Lions Club iyo Xildhibaanka deeqdaan ay soo gaarsiiyeen waxaana ay sheegeen inay kusoo aaday xili baahi weyn loo qabay.

Mursal Ciise oo ah wakiilka Lions Club ayaa sheegay in deeqdaan ay kasoo qaybiyeen koonfurta Soomaaliya iyo Puntland waxaana uu tilmaamay inaysan ahayn markii ugu danbaysay balse ay deeqo kale soo gaarsiin doonaan walaalohooda Soomaaliyeed.

Xildhibaan Siciid Cabdi Samatar Surcad oo ka hadlay madasha qaybinta ayaa u mahad celiyey Madaxtooyada Puntland gaar ahaan xafiiska Madaxweynaha iyo Taliska Ciidanka Madaxtooyada oo kaalin weyn ka gaystay sidii deeqdaan dadkaas loo gaarsiin lahaa.

Sawirro.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST