Gudoomiyaha Gobolka Mudug Puntland oo ku shaqeynaya meel ka baxsan Gaalkacyo

Guddoomiyaha Gobolka Mudug,Xasan Maxamed Khaliif ayaa markii ugu horreeysay shaaciyay inuu si kumeel gaar ah xafiiskiisu ugu shaqeynayo  meel ka baxsan xarunta Gobolka ee magaalada Gaalkacyo ka dib hadal uu jeediyay maalintii shalay.

Guddoomiyaha oo ay waheliyaan mas’uuliyiin kale oo gobolka ah ayaa muddo todobaadyo ah ku sugan degmada Galdogob,wuxuuna sheegay si kumeel-gaar ah maamulka ugu shaqeynayo Goldogob.

“Saaka waxaan idinka soo salaamayaa degmada Goldogob ee Gobolka Mudug waxaan si ku meel gaar ah xafiiskaygii shaqada ugu raray Degmadaas goldogob waxaa deggan dad eebbe weyne ku manaystay sharaf, karaamo iyo soo dhaweyn….

“Dhamaan shaqooyinkii aan u tagnay ee isagu jiray bilic kusoo celinta magaalada, qaabaynteeda (Town planning) meel wanaagsan ayay noo marayaan illaa hadana wax caqabad ah  lama aanan kulmin.” ayuu yiri Guddoomiyaha Gobolka oo warkan ku baahiyay bogga uu ku leeyahay Fecebooka.

Wuxuuna intaas ku darray “Waan sii degenaan doonaa Goldogob ilaa hadafka laga gaarayo.”

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST