Wasiirka Deeganka Puntland oo tabababar u xiray Isu-duwayaasha Gobolladda iyo Degmooyinka

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullahi Warsame ayaa maanta oo Jimce ah tababar usoo xiray Isuduwaayasha gobolada iyo Maamulayaasha degmooyinka ee Wasaarada Deegaanka iyo Duurjoogta, tababarkaan ayaa loo qabtay 27-qof oo katirsan shaqaalaha wasaarada ee u kala jooga 9-ka gobol ee Puntland waxaana lagu baranaey Isbedelka cimilada iyo Maaraynta Dhul-daaqsimeedka.

Tababarkaan Ayaa masuuliyiinta heer gobol iyo degmo ee Wasaarada deegaanku waxay ku qaateen casharo ku saabsan fahanka isbedelka CImilada, Waxyaabaha sababa isbedelka cimilada iyo saamayntooda, Hababka loo qiimeeyo saamaynta isbedelka cimilada, siyaabaha ugu haboon ee loo qabsado isbedelka cimilada, fahanka dhuldaaqsimeedka, dhibaatooyinka haysta dhuldaaqsimeedka iyo saamaynta ay ku yeeshaan hab nololeedka bulshada Puntland iyo habka dib loogu noolayn karo dhuldaaqsimeedka, casharadaan ayaa soconayey todobaadkii lasoo dhaafay oo dhan waxaana mid mid loo dul istaagay qodobada lagu baranayey tababarka.

Kusimaha agaasimaha guud ee wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Maxamed Ciise Maxamed oo ka hadlay soo xiritaankii tababarkaan ayaa sheegey in tababarka ay bixinayeen macalimiin aqoon dheer u leh isbedelka cimilada iyo maaraynta daaqa waxaana uu sheegey in tababarkan looga gol lahaa in kor looqaado wacyiga madaxda heerka gobol ee wasaarada taasoo buu yiri qayb ka ah dadaalka ay wasaaradu ugu jirto inay kor u qaado aqoonta iyo khibrada shaqaalaha kala duwan ee Wasaarada.

Cabdullaahi Jaamac iyo Jaylaani Maxamed oo ah Isuduwayaasha WDDD ee goboladda Cayn iyo Bari ayaa tibaaxay ahmiyada tababarkaan iyo casharadii kala duwanaa oo ay ku qaateen.Sidoo kale waxay kula dardaarmeen dhammaan ka qaybgalayaasha tababarku inay gaarsiiyaan aqoonta ay ka heleen tababarkaan goobihii ay ka yimaadeen.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo soo xiray tababarkaan ayaa kula dardaarmay shaqaalaha heer gobol ee wasaaradu inay sii laba jibaaraan shaqada ay bulshada u hayaan islamarkaasna ay wasaaradu sii wadi doonto kobcint aqoonta ay siiso shaqaalaha wasaarada.

Dhanka kale wuxuu wasiirku sheegey inay wasaaradu wado qorshe dalka looga saarayo biyo-yarida islamarkaasna ay dadaal dheer ugu jirto sidii looga faa’iidaysan lahaa biyaha roobka taas darteedna ay wasaaradu mudo todobaad gudihiis ah Puntland ka dhagax dhigtay sadex Biyo-Xireen oo waawayn islamarkaasna ay dhawaan bilaabi doonto ugu yaraan 20-goobood oo laga dhisi doono dhismayaasha looga faa’iidaysto biyaha roobka kuwaas oo intooda badan laga dhisi doono gobolada Cayn, Sool iyo Sanaag ee Puntland.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST