Suxufiga caanka Xaaji Xaraash oo ku geeriyooday Garoowe

Marxuum Ismaaciil Xaaji Xaraash

Waxaa maanta lagu aasay magaalada Garoowe Suxufiga Caanka Ismaaciil Maxamed Cabdi (Xaaji Xaraash) oo ka tirsanaa kooxda wacyigalinta ee Hay,adda Cilmi Baarista iyo Nabadda PDRC ka dib markii uu wadnuhu xalay istaagay sida uu u xaqiijiyay PUNTLAND POST Buraale Maxamed Kabayare.

Marxuum Ismaaciil oo ku dhintay da,da kotomeeyo (50aad) ayaa rabi ha u naxariistee ifka uga tagey shan gabdhood iyo wiil.

Marxuumka ayaa kazoo shaqeeyay xarumo warbaahineed iyo kuwa Hay,addaha Caalamiga ah, wuxuuna ahaa keydiye uruuuriya Arrimaha taariikhda dalka Somalia Sidoo kalena wuxuu xirfad sare u lahaa arrimaha farsamada technology-yadda casriga.

Bahda Warbaahinta PUNTLAND POST ayaa Alle uga baryeysa inuu samir iyo imaan ka siiyo qoyska iyo asxaabta uu ifka uga tagey Marxuum Ismaaciil Xaaji Xaraash.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST