Wasaarada Deegaanka Puntland oo Biyo-xireen cusub ka dhagax dhigtay Laasa-dawaco.

Wafti ka socda Dowlada Puntland oo uu hogaaminayey Wasiirka Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska ayna ka mid yihiin Wasiir ku xigeenka Beeraha, Agaasimaha Deegaanka ee Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xildhibaano ka tirsan gollaha wakiilada Puntland iyo Masuuliyiin kale ayaa maanta dhagax dhigay biyo xireen laga samaynayo deegaanka Laasadawaco oo ka tirsan degmada Carmo ee Gobolka Bari.

Qeybaha kala duwan ee bulshada iyo maamulka degmada Carmo ayaa ka qeybgalay soo dhaweyn waftiga halkaas loogu sameeyay,ka dibna waxay kulan wada qaateen maamulka degmada Carmo, odayaasha dhaqanka, ganacsatada iyo Beeralayda deegaankaas oo ay ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa iskaashiga bulshada deegaanka iyo dawlada dhexe ee Puntland,

Waftiga ayaa intaas ka dib booqday deegaanka Barookhle oo ah deegaanka Beeralay ah oo ku yaala degmada Carmo waxayna waftigu ku dhiirigeliyeen beeralaydu inay ka faa’iidaystaan Togga la dhisayo si ay uga gudbaan dhibaatooyinka biyo yarida ah oo iminka haysta.

Masuuliyiintii ka socotay dawlada Puntland ayaa intaas kadib waxay tageen togga Laasadawaco oo ay si ramsi ah u dhagax dhigeen waxaana uu togani noqonayaa kii Afraad oo ay wasaarada Deegaanku dhisayso isagoo la filayo inuu halkii marba qabto biyo ka badan “Boqol kun  oo Fuusto” kuwaas oo ay ka faa’iidaysan doonaan Beeralayda, dadka reer Guuraagaha, duunyada iyo Duurjoogtuba, Togga Laasa-dawaco ayaa sanad walba ay ka gudbaan biyo lagu qiyaasay Malaayiin Fuusto kuwaas oo aysan awal ka faa’iidaysan jirin bulshadu.

Maamullka degmada Carmo, Maamulka deegaanka Laasadawoco iyo Waxgaradka Deegaanka oo ka hadlay dhigax dhigii dhismaha Togaan ayaa uga mahadceliyey wasaarada Deegaanku sida ay xilka isaga saartaan dhibaatooyinka bulshada ka haysta biyo yarida iyagoo balan qaaday inay si dhow ula shaqayn doonaan wasaarada iyo shirkada dhisaysa Toggaan ayna garab istaagi doonaan mudada ay howshani socoto.

Xildhibaan Cabdiraxmaan Siciid Faarax oo katirsan golaha wakiilada ee Puntland oo isna goobta ka hadlay ayaa sheegey in ay muhiim tahay in laga wada shaqeeyo sidii looga bixi lahaa biyo yarida waxaana uu sheegey in ay dhibaatooyin badani bulshada deegaankaan ka haysteen biyaha oo yar kuwaas oo uu sheegey in marka la dhiso biyo xireenka cusub ay rajaynayaan in waxbadani iska badali doonaan noloshada bulshada.

Wasiir kuxigeenka wasaarada Beeraha iyo Waraabka dawlada Puntland Marwo. Siciido Xusseen Cali oo ka hadashay dhagax-dhigii dhismaha Togga Laasadowoco ayaa sheegtay inay ku faraxsantahay in ay ka qaybgasho dhaga dhigan waxaana ay beeralayda ugu baaqday inay ka faa’iidaystaan biyaha loo qabanayo kuwaas oo ay sheegtay inay uga gudbi doonaan dhibaatooyinka imika ka haysta Roobka oo sii yaraanaya oo ku kalifay beeraha dalagoodu inuu yaraado.

Wasiirka Wasaarada Deegaanka, Duurjoogta iyo Dalxiiska DPL Dr. Cali Cabdullaahi Warsame oo si rasmi ah u dhagax dhigay togga Laasadawaco ayaa  uga mahadceliyey qaybaha kala duwan ee bulshada soo dhawaynta ay u sameeyeen wuxuuna sheegay in la joogo xiligii laga wax laga qaban lahaa biyaha bulshada ka khasaara iyadoo bulshaduna ay ku jirto xaalad biyo yari, islamarkaana Wasaarada Deegaanku mudooyinkii ugu danbeeyey ku mashquulsanayd dhismayaasha biyo xireenada.

Wasiirka ayaa sheegay in mashaariicdan qayb wayn ka qaadan doonaan kaabayaasha nolosha waxaana uu ganacsatada iyo bulsho waynta reer Puntland ugu baaqay inay wasaarada kala qaybqaataan sidii loo sii badin lahaa biyo xireenada islamarkaasna qaab isku tashi ah loo dhiso biyo xireeno iyo waro waawayn oo ay ka faa’iidaystaan bulshada.

Abshir Dhiirane

PUNTLAND POST